GUDAHA/wararka

Maxkamadda sare ee Dalka oo baabi’isay Doorashadii ka dhacday Galmudug

Maxkamadda sare ee Dalka ayaa baabi’isay natiijada Doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug, iyada oo amartay in dib loogu laabto doorasho kale sida uu sheegay Guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed oo go’aankaas ku dhawaaqay.

Garyaqaan Baashe ayaa guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka faray in uu dib ugu laabto doorashadii isku sidkanayd ee halkaas ka dhacday maadaama ay dhaceen khaladaadka dhacay ay yihiin kuwo aan la sixi Karin sida hadalka loo dhigay.

Baashe ayaa sheegay in hannaanka doorashadu u dhacday ay dhaawac ku tahay kalsoonida dadku qabaan sidaas awgeed markii ay dhinacyo kala duwan ka eegeen laga maarmi waayay in dib loogu laabto lana saxo khaladaadkii dhacay.

Qaar kamid ah Ururradii ku tartamay doorashadii Isku sidkanayd ee Galmudug ka dhacday ayaa horay u diiday natiijadii hordhaca ahayd uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyaga oo ku dhawaaqay bannaanbax nabadeed oo ay ku muujinayaan cabashadooda.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Aadan Madoobe oo amray dagaal looga hortagayo AS & Malaashiyaadka Laftagareen

Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo soo gabagabeeyay kulamo uu…

2 hours ago

RW Xamsa “Waxaan diidnay in aan Dad dibadda ka keensano oo Dowladnimadeeda ka shaqeeyaan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diiday in…

3 hours ago

Kenya oo hoos u dhigaysa qiimaha Gallayda & Bacriminta Beeraha

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay in Dowladdiisa ay taagaarayso beeralayda gaar ahaan kuwa soosaara…

4 hours ago

Ugu yaraan 7 ruux oo ku geeriyooday Duqeymo ka dhacay gobolka Nugaal

Wararka naga soo gaaraya Xeebaha Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday duqeyn…

18 hours ago

Dowladda UK oo sheegtay in ay Soomaaliya ka taageerayso ka hortaga weerarada AS

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Boqortooyada…

22 hours ago

DFS oo kordhisay ciidamada suga amniga Magaalada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay ciidamada sugaya Amniga Magaalada Muqdisho, kaddib markii todobaadkii tagay qaybo…

1 day ago