Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Charles King.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga dalka, howlgallada socda ee ka dhanka ah AS iyo taageerad dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
Wasiirka iyo Danjiraha ayaa sidoo kale ka wada hadlay mowduucyo kala duwan iyo xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, looga hortago weerarada AS.
Wasiir Fiqi ayaa Dowladda UK uga mahadceliyey taageerada iyo garab-istaagga ay siiso Soomaaliya.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli Dhaqaale la’aan ay wajahayaan Ciidamada Howlgalka AUSSOM, isla markaasna ay Askarta Soomaalida isku diyaarinayaan la wareegida mas’uuliyadda Amniga Dalka.
Mustaqbal
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay ciidamada sugaya Amniga Magaalada Muqdisho, kaddib markii todobaadkii tagay qaybo…
Dalalka Cumaan iyo Masar ayaa xoogga saaraya sidii ay dib ugu billaabi lahaayeen wadahadallada joogsaday…
Dowladda Maraykanka ayaa xayiraadda Fiisaha ka qaadday Baasaboorka Soomaaliya kaddib markii go’aankaas uu ku dhawaaqday…
Dagaalka Ganacsi ee kasoo dhex baxay Maraykanka iyo Canada ayaa sii xooggaystay kaddib markii Washington…
Sanduuqa Taakulada ee Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa warbixin uu kasoo saaray xaaladda Carruurta Soomaaliyeed…
Mid kamid ah Maraakiibta Iiraan ka soo qaada Shidaalka oo Mareykanka ku raadjoogay ayaa la…