Dowladda Maraykanka ayaa xayiraadda Fiisaha ka qaadday Baasaboorka Soomaaliya kaddib markii go’aankaas uu ku dhawaaqday Garsoore Janet Vargas oo tallaabo sharci darro ah kana hor imaanaysa Nidaamka Federaalka ku tilmaamtay arrintaas.
Waxa ay intaas ku dartay in markii hore go’aankaan uu ku dhashay siyaasad u gaar ah Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo liiska Dalalka uu u diiday Dal ku galka Dalkaas ku daray 75 Waddan oo Soomaaliya ay kamid tahay.
Garsoore Janet Vargas ayaa meesha ka saartay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka uu leeyahay awood uu ku farageliyo Fiisaha Dalkaas cidda la siinayo ama loo diidayo, sidaas awgeed waxa ay soo jeedisay in siyaasadda iyo danaha qaranka la kala saaro.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa Bishii Janaayo ee sannadkaan waxa ay joojisay in dal ku galka loogu dhufto muwaadiniinta u dhalatay Brazil, Colombia, Uruguay, Bosnia, Albania, Pakistan, Bangladesh, Soomaaliya iyo waddamo kale.
Maamulka Donald Trump ayaa cambaarayn iyo dhaleecayn kala kulmay beegsiga uu ku hayo dalalka qaar, waxaana loogu baaqay in uu joojiyo arrimahaas oo dhibaato siyaasadeed dalkiisa ku ah maadaama muddo xileedkaan haddii uu dhammaysto aanay markale tartami doonin.
Mustaqbal
Dagaalka Ganacsi ee kasoo dhex baxay Maraykanka iyo Canada ayaa sii xooggaystay kaddib markii Washington…
Sanduuqa Taakulada ee Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa warbixin uu kasoo saaray xaaladda Carruurta Soomaaliyeed…
Mid kamid ah Maraakiibta Iiraan ka soo qaada Shidaalka oo Mareykanka ku raadjoogay ayaa la…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee…
Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Netherlands u gacan gelisay nin Soomaali heysta dhalashada Dutch-ka, kaas…
Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday in dhowr Markab oo kuwa Shidaalka qaada ah oo ay…