GUDAHA/wararka

Ra’iisul wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda Binu aadanimo ee dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Maareynta Khataraha Masiibooyinka, kaas oo looga hadlay u diyaar-garowga xaaladaha bini’aadanimo ee dalka ka jira.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray falanqaynta warbixinno ku saabsan xaaladda abaaraha ee ka jira qaybo ka mid ah dalka iyo digniino ku saabsan fatahaado culus oo la filayo inay ka dhashaan roobabka xilli-ciyaareedka Dayrta oo dhowaan la filayo inay ka curtaan gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xubnaha Guddiga ku adkeeyey inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo looga hortagayo khasaaraha ka dhalan kara musiibooyinka dabiiciga ah. Waxa uu si gaar ah faray in la kordhiyo wacyigelinta dadka ku dhow wabiyada iyo dhulka biyo-mareenka ah, si looga badbaadiyo naftooda iyo hantidooda fatahaadaha soo fool leh.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay baaq u dirtay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Deeq-bixiyeyaasha Caalamiga ah, iyadoo ka codsatay inay qayb ka qaataan dadaallada gurmadka ah ee looga jawaabayo saameynta isbiirsaday ee abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Maraykanka oo xayiraadda Fiisaha ka qaaday Soomaaliya

Dowladda Maraykanka ayaa xayiraadda Fiisaha ka qaadday Baasaboorka Soomaaliya kaddib markii go’aankaas uu ku dhawaaqday…

10 mins ago

Dagaalka Ganacsi ee Maraykanka & Canada oo meel adag gaaray

Dagaalka Ganacsi ee kasoo dhex baxay Maraykanka iyo Canada ayaa sii xooggaystay kaddib markii Washington…

43 mins ago

Qaramada Midoobay oo Gargaar degdeg ah u dalabtay Carruur ku dhibaataysan Soomaaliya

Sanduuqa Taakulada ee Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa warbixin uu kasoo saaray xaaladda Carruurta Soomaaliyeed…

56 mins ago

Markab ay isku hayaan Mareykanka iyo Iraan ayaa lagu afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Mid kamid ah Maraakiibta Iiraan ka soo qaada Shidaalka oo Mareykanka ku raadjoogay ayaa la…

12 hours ago

Imaaradka Carabta oo Muwadin Soomaaliyeed ku wareejiyay dalka Netherlands

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Netherlands u gacan gelisay nin Soomaali heysta dhalashada Dutch-ka, kaas…

17 hours ago

Iiraan oo Ciraaq u ogolaatay in Maraakiibteeda Shidaalka ay ka gudbaan Marinka Hormuz

Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday in dhowr Markab oo kuwa Shidaalka qaada ah oo ay…

21 hours ago