Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo soo gabagabeeyay kulamo uu la lahaa saraakiisha ciidanka Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Maamulkiisa ayaa go’aamiyay in la qaado howlgallo Amniga Baydhabo lagu xoojinayo.
Sheekh Aadan Madoobe oo dalbaday Ciidamo dheeraad ah isla markaana shalay laga dejiyay Magaalada Baydhabo Waxa uu markaan ku dhaqaaqayaa fulinta howlgallo kahortag ah si ciidamadaas ay u beegsadaan saldhigyada looga soo duullo.
Sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo Amni oo ku sugan Baydhabo, Aadan Madoobe ayaa ciidamada Federaalka iyo kuwa Maamulkiisa ee intooda badan ka yimid ciidankii Badbaada Koofur Galbeed waxa uu faray in ay saldhigyo ka samaystaan duuleedka Xarunta Gobolka Baay.
Sidoo kale ilahaaas ayaa inoo sheegay in Dowladda Federaalka ay fulisay ballamadii ay ka qaadday Aadan madoobe ee la xiriira taageerista howlaha farsamo ee lagu adkanayo Amniga Magaalada Baydhabo laguna beegsanayo, AS iyo Maleeshiyaadka Laftagareen ka amar-qaata.
Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe tan iyo markii uu dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo waxa uu kulamo gaar gaar ah iyo kuwo guud uu la qaatay Saraakiisha Ciidamada isaga oo kala hadlay culays amni ee haysta Magaaladaas.
Mustaqbal
Falcelin iska soo horjeedda ayaa lagu wajahay go’aanka Maxkamadda Sare ee Dalka ay ku baabi’isay…
Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Waqooyi Galbeed ayaa ku dhawaaqday natiijada Imtixaannada Dugsiyada Dhexe iyo Sare iyada…
Xukunka Maxkamadda Sare ee la xiriira doorashooyinka Galmudug wuxuu dhaliyay dood iyo hadal-hayn badan. Hase…
Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhiggeeda Suuriya ka saartay Liiska Dalalka ku jira…
Dowladda Liibiya ayaa ku dhawaaqday in ay kordhinayso shidaalka ay sida maalinlaha ah usoo saarto…
Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah AS…