GUDAHA/wararka

RW Xamsa “Waxaan diidnay in aan Dad dibadda ka keensano oo Dowladnimadeeda ka shaqeeyaan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diiday in Ajaanib ay ka shaqeeyaan howlaha lagu horumarinayo Dowladnimada isaga oo xusay in Dadka aqoonyahannada gudaha ay kaalintooda siiyeen.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in hagaajinta Dastuurka Dalka ay ka shaqeeyeen Aqoonyahanno Soomaaliyeed iyada oo taasi ka dhigtay in si hagaagsan dib u eegis iyo wax ka baddel logou sameeyo sida uu hadalka u dhigay.

Dhaqaale badan ayuu tilmaamay in ay ku baxday diyaarintii iyo dib u hagaajintii horay iyada oo ay ka shaqaynayeen Ajaanib isla markaana khaladaadka & qodobada iska hor imaanaya ay ku jireen taasina ay dhalisay in aqoonyahannada gudaha la aamino.

“Waxaan diidnay in aan dad dibadda ka keensano oo Dowladnimadeeda ka shaqeeyaan, Dastuurkeenna waxaa ka shaqeeyay aqoonyahannadeeda oo ma jirin ajaanib qayb ka ahayd, sida aad ogtihiin dhaqaale badan ayaa horay loogu bixiyay iyada oo Ajaanib ay ka shaqeynayeen” Sidaasi waxaa yiri RW XFS, Xamsa Cabdi Barre.

Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya oo leh Bulsho dhallinyaro ah oo aqoon iyo karti leh ay is aamintay si ay u baratanto dunida inteeda kale, Xamsa ayaa bogaadiyay dedaallada iyo xoogga la geliyay Doorashooyinka iyada oo howshaas keliya ay wadaan Dad Soomaali ah.

“Dastuurkeenna hadda dhammaaday oo dadkii ka soo shaqeeyay aan ka mid ahaay waxa aan ognahay in malaayiin doollar lagu bixiyay haddana aan dhammaad lahayn, markii aan nimaanay waxa aan ka xannibnay aqoon iyo shilin ajnabi, sidaasi ayaa keentay la dhammaysto, waan Soomaaliyeynay oo Dadka ayaa la dhex dhigay, haddii aan sidaas la samayn lahayn 50 sano xitaa lama dhammaystiri lahayn” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay RW Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maxkamadda sare ee Dalka oo baabi’isay Doorashadii ka dhacday Galmudug

Maxkamadda sare ee Dalka ayaa baabi’isay natiijada Doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug, iyada oo amartay…

14 mins ago

Aadan Madoobe oo amray dagaal looga hortagayo AS & Malaashiyaadka Laftagareen

Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo soo gabagabeeyay kulamo uu…

35 mins ago

Kenya oo hoos u dhigaysa qiimaha Gallayda & Bacriminta Beeraha

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay in Dowladdiisa ay taagaarayso beeralayda gaar ahaan kuwa soosaara…

3 hours ago

Ugu yaraan 7 ruux oo ku geeriyooday Duqeymo ka dhacay gobolka Nugaal

Wararka naga soo gaaraya Xeebaha Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday duqeyn…

17 hours ago

Dowladda UK oo sheegtay in ay Soomaaliya ka taageerayso ka hortaga weerarada AS

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Boqortooyada…

21 hours ago

DFS oo kordhisay ciidamada suga amniga Magaalada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhisay ciidamada sugaya Amniga Magaalada Muqdisho, kaddib markii todobaadkii tagay qaybo…

1 day ago