GUDAHA/wararka

Ciidanka Danab oo howlglallo ka dhan ah AS kawada Shabeelaha Hoose

Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah AS oo ay wadaan ciidamada kumaandooska Danab kuwaas oo ka duullaya xogo dhinaca Amniga ah oo ay heleen.

Ciidamada Danab ayaa deegaanno dhowr ah oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose kawada howlgalladaan oo la sheegay in qaarkood ay ku qabteen dad ay ku tuhmayaan in ay katirsan yihiin AS balse ay baaris ku wadaan.

Deegaannada ay ka howlgalleen ciidanka Danab waxaa kamid ah Ceel Bashiir, Farsooley, Dudumaay iyo Deegaanno kale oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo ku sugan Gobolkaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah AS, Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed waxaa si isdaba joog ah uga socda howlgallada ay wadaan ciidanka Kumaandooska Danab.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Go’aannada Maxkamadda Sare ee murunnada Doorashooyinka Soomaaliya iyo Saamayntii ka dhalatay (1963-2026)

Xukunka Maxkamadda Sare ee la xiriira doorashooyinka Galmudug wuxuu dhaliyay dood iyo hadal-hayn badan. Hase…

14 seconds ago

Maraykanka oo 46 sano kaddib Suuriya ka saaray Liiska Dalalka taageera Argagixisada

Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhiggeeda Suuriya ka saartay Liiska Dalalka ku jira…

19 mins ago

Liibiya oo doonaysa in ay kordhiso shidaalka maalinlaha ah ay soosaarto

Dowladda Liibiya ayaa ku dhawaaqday in ay kordhinayso shidaalka ay sida maalinlaha ah usoo saarto…

2 hours ago

Maraakiibta ka gudubta Marinka Hormuz oo looga dejiyay in ay dansadaan Isgaarsiinta

Maraakiibta ku xayiran Marinka Hormuz ee damacsan in ay ka gudbaan marinkaas ayaa looga digay…

3 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo fasaxday dhammaan shaqaalaha dowliga iyo kuwa hay’adaha kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in maalinta berrito…

17 hours ago

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo loo soo xiray Tababar

Xilli Dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka si ay…

19 hours ago