GUDAHA/wararka

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo loo soo xiray Tababar

Xilli Dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka si ay mas’uuliyadda Amniga dalka ula wareegaan ayaa waxaa maanta Muqdisho tababar loogu soo xiray cutubyo ka tirsan Militeriga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim ayaa ka qeyb galay dhoolatus kooban oo ay Ciidamadan ku sameeyeen Xerada Jeneraal Dhago-badan ee magaalada Muqdisho.

Sida Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen Askartaan ayaa si gaar ah loo baray Shiishka ama toogashada iyo ka hortaga Qaraxyada.

Sidoo kale, Ciidamadan ayaa la siiyay tababaro la xiriira hoggaaminta, xilliga ay socdaan Howlgallada ka dhanka ah AS.

Taliyaha Militeriga Soomaaliya ayaa Ciidanka ugu baaqay in ay dardar galiyaan howlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda guud ahaan dalka.

Askartaan ayaa waxaa sidoo kale xiritaanka tababarkooda ka qeyb galay saraakiil sare oo ka tirsan hoggaanka tababarada Midowga Yurub, sida General Elio Manes.

Tababarkaan cusub ee la siiyay Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku soo aadaya xilli uu gaba gabo marayo howlgalka AUSSOM, lana qorsheynayo in ay amniga dalka la wareegaan Ciidamada Qalabka Sida.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Dowladda Soomaaliya oo fasaxday dhammaan shaqaalaha dowliga iyo kuwa hay’adaha kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in maalinta berrito…

23 mins ago

MW Xasan Sheekh oo Ballanqaad Waxbarasho u sameeyay 10ka Arday ee ugu sarraysa Imtixaanka Dowladdu qaadday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la kulmay Ardayda ugu sarreysa imtixaanka…

6 hours ago

Maxkamadda sare ee Dalka oo baabi’isay Doorashadii ka dhacday Galmudug

Maxkamadda sare ee Dalka ayaa baabi’isay natiijada Doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug, iyada oo amartay…

7 hours ago

Aadan Madoobe oo amray dagaal looga hortagayo AS & Malaashiyaadka Laftagareen

Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo soo gabagabeeyay kulamo uu…

8 hours ago

RW Xamsa “Waxaan diidnay in aan Dad dibadda ka keensano oo Dowladnimadeeda ka shaqeeyaan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diiday in…

9 hours ago

Kenya oo hoos u dhigaysa qiimaha Gallayda & Bacriminta Beeraha

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay in Dowladdiisa ay taagaarayso beeralayda gaar ahaan kuwa soosaara…

10 hours ago