Xiisad Beeleed saakay ka taagaan Tuulooyin hoos taga Degmada Jowhar.

Wararka saakay ka imaanaya Tuulooyinka Maandheere iyo koongo ee Degmada Jowhar waxa ay sheegayaan in xiisad ka dhalatay dagaal shalay galab ka dhacay ay ka taagan tahay.

Dagaalka ayaa salka ku haya dhul daaqsin ah oo ay labadaan dhinac isku hayaan, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyootay 2 qof oo kamid ahaa dhinacyadii dagaalamay, halka ay ku dhaawacmeen labo kale.

Dagaalka ayaa si iskiis ah u istaagay sida illo wareedyo ku sugan Jowhar ay Mustaqbal u sheegeen, waxaana saakay socda dhaq-dhaqaaqyo labada dhinac ay kala wadaan.

Dadka deegaanka ayaa qaarkood xalay isaga cararay Tuulooyinka Maandheere iyo Koongo si aan Colaadda labada dhinac u saameyn.

Dulka la isku heysto ayaa ah dhul daaqsin ah oo dhinac waliba uu sheegayo maamulka ama milkiyadiisa.

Ma jirto cid kala dhex gashay, waxaana wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ay sheegayaan in Maamulka Hir-Shabeelle uu qorsheynayo sidii uu ciidan kala dhex gala ugu diri lahaa Deegaankaas.

Dagaal beeleedyada u dhaxeeyo maleeshiyaadka Xoolo dhaqatada iyo Beeraleyda ah ayaa kusoo noq noqday Tuulooyinka Hoos taga Degmada Jowhar, waxyeelada ugu badan waxa ay gaartaa dadka shacabka.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

7 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

9 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

10 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

14 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

17 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

17 hours ago