Maxamed Cabdi Afey wakiilka Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobe u qaabilsan Geeska Afrika oo ku sugan Magaalada Jigjiga ayaa kulan gaar ah la qaatay Odoyaasha Magaalada iyo mas’uuliyiin katirsan Dowlad Deegaanka.
Waxyaabaha uu kala hadlay waxaa kamid ahaa sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa dadkii ka bakaracay Colaadda dhexmartay Soomaalida iyo Oromada iyo gurmad u raadinta dadka ku dhibaateysan iska jigjiga.
Danjire Afey ayaa Magaalada Addis shalay kasoo raacay xubno kamid ah Jabhadda ONLF, ka sokoow in uu kamid ahaa wufuudda hadane wararka deegaanka laga helayo waxa ay sheegayaan in uu xog dhageysi ku sameynayo dadkii ka barakacay Dhulka Soomaalida.
Qorshaha ayaa ah in uu tago deegaanada ay ku dagaalameen Oromada iyo Soomaalida, si uu qiimeyn guud ugu sameeyo, kadibne uu ula wadaago Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobe UNHCR si ay u diiwaan geliso.
Isku dhacyadii ka dhacay Dhulka Soomaalida ee Itoobiya ee u dhaxeysay Oromada iyo Soomaalida waxaa ka dhashay Khasaare isugu jiro Dhimasho, Dhaawac iyo Barakac deegaanka.
UNHCR oo aan wali tagin Dhulkaas waxa uu fursat ahaan Danjire Afeey u helay shalay in uu tago Magaalada Jigjiga, si warbixin deegaanka ah uu ugu diyaaro.
Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa marar kala duwan warbixino ay soo saareen waxa ay ugu hadleen Tacadiyada ka dhacay Dhulka Soomaalida kahor iyo kadib Maamulkii Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…