Wasiirro ka tirsan Dowlad Degaanka Somalida Itoobiya oo lagu xiray Hargeysa

Wasiirro ka tirsan Maamulkii Cabdi Maxmauud Cumar ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu xiray Magalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.

Wasiirrada la xiray ayey Somaliland sheegtay in ay si sharci darro ah ku galeen Somaliland islamarkaana doonayeen in ay u baxsadaan dalka dibaddiisa.

Wasiirrada la xiray ayaa kala ah Wasiirkii Waxbarashada ee Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar Ninka lagu magacaabo Ibrahim Adam Mahad iyo Wasiirkii Caddaaladda Cabdi Jaamac oo ay Somaliland sheegtay in si dhuumasho ah ay Wajaale uga gudbeen.

Labada Wasiir ayaa la sheegayaa in muddo hal todobaad ah ay ku sugnaayeen Magaalada Haregysa,iyaga oo doonaya in ay ka dhoofaan Garoonka Cigaal ee Somaliland gacanta lagu dhigay.

Saraakiisha amaanka Maamulka Somaliland ee Wasiirradan qabtay ayaa sheegay in markii wasiirrada la weydiiyay waxa ay yihiin kuwa jawaabeen in ay ka mid yihiin Ganacsatada Xoolaha ee Soomaalida.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

2 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

4 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

4 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

9 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

11 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

12 hours ago