Wasaaradda Maaliyadda oo Gaadiid ku wareejisay G.Banaadir, Hirshabeelle iyo K/Galbeed,Sawirro

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta 7 Gaadiid ah ku wareejisay Maamullada Banaadir, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Wakiillada Maamullada iyo Wasiir Bayle oo heshiis kala saxiinaya.

Munaasibad k dhacday Magaalada Muqdisho ayaa maamulka Gobolka Banaadir lagu siiyay labo Gaari,halka Hirshabeelle lagu siiyay saddex Gaari, Koofur Galbeedna lagu siiyay labo Gaari.

Wakiillada maamullada oo heshiiska saxiixaya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Gaadiidkan uu qeyb ka yahay ballaarinta Istiraatiijiyadda dowlada Federaalka ah ee la xiriirta Dakhli ururinta dalka.

Qaar ka mid ah Gaadiidka lagu wareejiyay dowlad Goboleedyada qaar iyo Gobolka Banaadir.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in howshan ay ka mid tahay qorshaha fidinta dakhli ururinta ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka Maaliyadda, Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo Wasiirka Maaliyadda Hirshabeelle.

Munaasibadda ay Gaadiidka kula wareegayeen dowlad Goboleedyada qaar iyo Gobolka Banaadir waxaa sidoo kale joogay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), Wasiirka Maaliyadda Hirshabeelle Cabdullahi Maxamed Dheere iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/Raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Wasiir Bayle ayaa sidoo kale sheegay in Maamullada Puntland, Jubaland iyo Galmudug iyana loo qeybinayo gaadiid loo hayo oo uu sheegay in ay u kala helayaan Puntland 2, Jubaland 3 iyo Galmudug oo 2 ah.

 

Web master

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

5 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

7 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

10 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

10 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

12 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

12 hours ago