Wasaaradaha Waxbarashada Soomaaliya iyo Turkiga oo kawada hadlay hormarinta Waxbarasha.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle oo safar shaqo ku jooga Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa kulamo kala duwan la qatay madax Wasaarada waxbarashada Turkiga.
Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada ayaa la kulmay wasiirka waxbarashada dalka turkiga waxa ayna kawada hadleen horumarinta waxbarashada.

Masuuliyiinta uu lakulmay wasiir dowlaha Wax barashad Dowlada Soomaaliya.

“Waxaan magaalada Ankara ee dalka Turrkiga kulan kula qaatay Wasiirka waxbarashada dalka turkiga Arimaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ahaa iskaashiga jaamacaddaha turkiga iyo Jaamacaddaha Soomaaliya, xoojinta xiriirka wada shaqeyneyd ee dhanka waxbarashada iyo sidii dalka turkiga qeyb ugu qadan lahaa horumarinta waxbarashada ardayda Soomaaliyeed” ayuu wasiir dowlaha wasaarada waxbarashada Soomaaliya.

Masuuliyiin ka tirsan wasaarada Waxbarashad Dowlada Turkiga oo uu lakulmay wasiir Dowlaha Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya.

Gudoomiya kuxigeenka Hay’adda Arimaha diinta turkiga oo qeyb ka ahaa kulanka waxa uu ii sheegay in markasta dowlada Turkiga ay diyaar u tahay garab istaaga Soomaaliya gaar ahaan waxbarashada ardayda Soomaaliyeed ayuu yiri wasiirk Dowlaha Waxbarashada.

Wasiir Dowlaha ayaa Bilad sharaf lagu gudoonsiiyay Dalka Turkiga.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa safarkiisa uu ku joogo dalka Turkiga waxaa ku wehliya madax ka tirsan wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

MM Staff

Recent Posts

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

17 mins ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

14 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

16 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

19 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

21 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

22 hours ago