Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka ee ka howlgallaya Deegaannada Xiga Dhinaca Soomaaliya si ay uga hortagaan ‘AS’ oo weerarro ka gaystay.
Ciidamo u badan Booliis ayaa howlgal saf-mar ah ka samayn doonna deegaannada lagu tuhmayo in ay ku sugan yihiin ‘AS’ halkaas oo ay kasoo abaabulaan weerarrada ka dhanka ah Saraakiisha Amniga iyo mas’uuliyiin kale ee Dalkaas.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa loo gudbiyay qorshooyin lagu adkaynayo amniga Dalkaas isla markaana looga hortagayo weerarrada ‘AS’ ay ka gaysato qaybo kamid ah Waddankaas sida hadalka loo dhigay.
Maalmo kahor, Kenya waxaa weerar ay sheegatay ‘AS’ looga dilay saraakiil katirsan ciidamadeeda ka jooga Ismaamulka Mandheera, mana jiro xubno lala xiriirinayo weerarkaas oo lagu soo qabtay howlgalkii xigay weerarkaas.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…