Puntland oo amar ku soo rogtay macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka..

Wasaaradda Cadaaladda, iyo Arrimaha Diinta Puntland, ayaa maanta ku amartay dhammaan macallimiinta dugsiyada Qur’aanka ee degaannada Puntland, in ay isku soo diiwaan-geliyaan mudda 10 cisha.

Wasaaradda Cadaalada Maamulka Puntland ayaa Macalimiinta dugsida Qur’aan ku wargalisay in ay isku diiwaan galiyaan mudo 10 cishaa oo maanta ka bilaabanaysa, iyadoo wixii ka dambeeya 28 bishan April aan la aqoonsan doonin dugsigii aan is diiwaan-gelin.

Wargelintan ayaa imaanaysa, xilli dhowaan wasiirka Caddaalada uu sheegay, in gebi ahaanba la xiri doono dugsiyada Qur’aanka iyo xarumaha kale ee ay leeyihiin firqada loo yaqaan Al-takfiir, oo uu ku eedeeyay in ay fasahaad iyo caqiido qalafsan ku faafinayan degaannada Maamulka Puntland.

Balse, culimo ka tirsan kooxdaasi oo maalmo ka hor warbaahinta la hadlay gudaha maamulka Puntland, ayaa dhankooda dhaliilay hadalka waasiirka, iyagoo beeniyay in ay caqiido qalafsan faafinayaan.

MM Staff

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

11 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

14 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

16 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

19 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

19 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

20 hours ago