Ra’isalwasaare Kheyre oo ciidan ku biiraya DANAB, tababar ugu soo xiray Muqdisho

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka mid ah Ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee loo yaqaanno DANAB.

Ciidamadan ayaa lagu tababaray Xerada TurkSOM ee Muqdisho oo ay muddo tababar ku qaadanayeen.

Waxaa ay tiradoodu gaareysaa 330 Qof oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen, Ciidan iyo shaqaale ka mid noqonaya Ciidanka Lugta ee Soomaaliya.

Munaasibadadda Ciidamadaas tababarka loogu soo xirayay waxaa joogay Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka iyo Duqa Muqdisho.

Ciidamadan ka qeybta ah kumaandoosta Soomaaliya ayaa ku biiraya Ciidanka DANAB oo uu saldhiggooda hadda yahay Taliska Ciidanka Cirka ee Balli doogle oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha hoose.

Dhawaan Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Ciidamada DANAB ay tiradooda gaarsiineyso ilaa 3,000 oo Askari.

Dowlada Turkiga ayaa dardar-gelisay tabaridda ciidamada iyo Saraakiisha  Jamhuuriyadda Soomaaliya gaar ahaan ciidamada sida gaar ka ah u tababaran ee kumaandoosta

Billowgii 2017 ayay ahayd markii ay dalka soo gaareen 18 Sarkaal oo Kumaandoos ah kuwaas oo  Turkiga ku soo qaatay tababar sare oo kusaabsan sida madaxda loo illaaliyo.

Ciidankan oo ahaa kii ugu horeyay ee  kumaandoos ahaan loo tababaray ayaa mudo 3 sano ah kusoo qaatay dalka Turkiga iyada oo saraakiishan qaarkood ay Barayaal ka yihiin Dugsiga tababarka ee Turksom

Web master

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

12 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

14 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

17 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

17 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

19 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

19 hours ago