Kooxda PSG ayaa isku dayi doonta in ay Real Madrid ka hor qaado saxiixa xiddiga Eden Hazard marka la gaadho suuqa xagaaga dambe xilli uuna wali xididgu heshiis cusub u saxiixin Chelsea (Express).
Kooxda Man United ayaa wadahadalo la furtay kooxda Amiens iyaga oo ka doonaya da,yarka kooxda ee Noam Emeran (Mail).
Kooxda Napoli ayaa Dhigeeda Man United u sheegtay in ay miiska saaraan 90 milyan oo euro hadii ay doonayaan saxiixa daafaca Kalidou Koulibaly marka la gaadho suuqa January (Times).
Man city ayaa isku dayi doonta in ay markii ugu dambaysay da,yarka Brahim Diaz ku qanciso in ay heshiis cusub ka saxiixato ka hor inta uuna 8 milyan ugu biirin kooxda Real Madrid (Sun).
Kooxda chelsea ayaa diyaarinaysa dalab lacageed oo dhan 20 milyan oo euro si ay suuqa January ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Napoli ee Elseid Hysaj (Sun).
Kooxda Bayern Munich ayaa xiriir la samaysay kooxda Real Madrid iyaga oo doonaya in ay Isco ka caawiyaan ka baxsiga kaydka kooxda Rela Madrid marka la gaadho suuqa January (Sky Sport).
Kooxda Ac Milan ayaa doonaysa saxiixyada weeraryahanada kooxda Liverpool ee Divock Origi & Daniel Sturridge marka la gaadho suuqa January (Daily Mirror).
Tababaraha Kooxda Man City Pep Guardiola ayaa meesha ka saaray in ay kooxdiisu u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga kooxda chelsea ee Eden Hazard (Standard).
Kooxda Tottenham ayaa lagu soo waramayaa in ay Man United u soo bandhigtay xiddiga 30 milyan lagu qiimeeyo ee Toby Alderweireld sida ay sheegayaan wararku (Daily Express).
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…