Milatariga Somaliya oo sheegay in ay tallaabo ka qaadayaan xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee la qabto

Shir jaraa’id oo maanta ay si wada jir ah u qabteen inta badan Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa looga hadlay dagaalka ka dhanka ah A-shabaab.

Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe; oo ah Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in Milatariga Soomaaliya uusan dulqaad dambe u heyn in qof ka tirsan AL-shabab in ay qabtaan oo ay xabsi u gudbiyaan.

Indhaqarshe  ayaa sheegay in hadda kaddib xubnaha ka tirsan AL-shabaab ee la qabtotallaabo laga qaadi doono islamarkaana aan xabsi la geyn doonin, maaddaama iyaguba ay dilaan Ciidamada iyo saraakiisha dowladda,sidaas darteedna ay iyaguna daaweyn doonin dhaawacyada AL-shabaab.

Dhanka kale Wasiirka Gashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe);  ayaa isaguna xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee uu ka dhacay shirka jaraa’id ka sheegay in Askarigii isaga oo wata dhowrka Ciidanka ee kku dhinta dagaalka AL-shabaab ay nolosha qoyskiisa damaanad qaadeyso dowladda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya iyada oo khamiistii la soo dhaafay Taliyayaashii Guutada 12ka April lagu dilay qarax ka dhacay degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Daahir Aadan Cilmi; Taliyaha Milatariga ayaa goobtii lagu aasayay saraakiishaas ka sheegay in ay ka aargoosan doonaan AL-shabaab.

Shirka jaraa’id ee Taliyayaasha Ciidanka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Difaaca, Taliyaha Milatariga, Taliyaha Booliska,Taliyaha Ciidanka Badda,Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka iyo Saraakiil kale.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

11 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

13 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

14 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

18 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

21 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

21 hours ago