Dalka Namibia ee dhaca Koofur Galbeed ee Qaaradda Aasiya ayaa loo dhaariyay Madaxweynihii 5aad ee taariikhda Dalkaas xil ka qabta ahna Haweeneydii ugu horreeysay ee hoggaamiso Waddankaan.
Netumbo Nandi-Ndaitwah oo 73 sano jir ah ayaa loo dhaariyay Xilka Madaxweynaha Dalka Namibia, waxa ay soo martay waqti adag oo ay usoo hardantay xilal kala duwan oo dhinaca siyaasadda oo ugu dambeyn gaartay in ay hoggaamiso Dalkaas.
Haweeneydaan waxa ay waaya-joog u ahayd dhacdooyinkii kala duwanaa ee dalkaas soo maray sida madaxbannaanidii 35 sano uu qaatay Dalkaan, waxa ay ballanqaadday in ay ka shaqeyneyso horumarka dalkeeda.
Dadka Namibia badi waa shaqo la’aan, 44% oo ah Dad da’doodu u dhaxeyso 18 ilaa 34 sano waxa ay yihiin kuwo faramaran oo u baahan in shaqo abuur rasmi ah oo dhaqangala loo sameeyo si ay uga baxaan dhibaatooyinka ay ka sheeganayaan.
“Shanta sano soo socota waxa aan ka shaqeynayaa in ugu yaraan 500,000 oo shaqooyin ah in la helo, dabcan waxa ugu weyn ee aan ka shaqeynayo waa helista shaqo si looga baxo welwelka” ayay tiri Netumbo Nandi-Ndaitwah, Madaxweynaha Namibia.
Bulshada Namibia waa 3 Milyan oo ruux sida lagu sheegay daraasad la sameeyay Maarso 2025, Dowladihii is xigxigay ee soo maray ayaa ku guuldareystay in ay daboolaan dhibaatooyinka saameynta taban ku reebay.
Mustaqbal
Midowga Afrika ayaa mar kale xaqiijiyay go’aankooda ku aaddan in mas’uuliyadda amniga dalka Soomaaliya lagu…
Dowladda Sweden ayaa shaaca ka qaadday inay ka go’an tahay inay qayb ka qaadato dadaallada…
Maamulka Galmudug ayaa ka falceliyay eedeyn uga timid Puntland kaddib markii Xukuumadda Siciid Deni ay…
War kasoo baxay Golaha Mustaqbalka ayaa fariin codsi ah loogu diray Dalalka ku deeqay Ciidamada…
Dalka Guinea-Bissau ayaa beeniyay wararka la xiriira in uu aqoonsanayo maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya,…
Ciidamo katirsan Kumaandooska Danab ayaa Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ka sameeyay howlgallo…