GUDAHA/wararka

MW Xasan oo Saraakiisha & Madaxda Dhaqanka Shabeelaha Dhexe kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda, Odoyaal dhaqameed iyo Waxgaradka Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinacyadaan kala hadlay dardargelina howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda deegaannada iyo degmooyinka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku sugan yahay.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qudhiisa la wadaagay qorshaha Dowladda ay ka leedahay deegaannada ay kasoo jeedaan xubnaha uu la kulmay si kaalintooda uga qaataan abaabulka Dowladdu dejisay ee Gobolkaas ka socda.

Odoyaasha dhaqanka & waxgaradka la kulmay Madaxweynaha Soomalaiya ayaa dhankooda ballanqaaday in ay kaalintooda ka qaadanayaan isla markaana ay diyaariyeen dhallinyarada deegaanka ee Macawiisleyda.

Gobolka Shabeelaha Dhexe oo maalmo kahor culeys ciidan ay ‘AS’ Saartay Waxaa hadda ka socda abaabul xooggan oo Ciidamada Federaalka iyo kuwa Deegaanka ay wadaan, waxaa ku sugan Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiil kale.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Dowladda Canada oo 10 sano ka dib war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi

Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…

3 hours ago

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

8 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

12 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

15 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

16 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

18 hours ago