Categories: Last News

Talyaaniga oo sheegay in Dalal Soomaaliya ay kamid tahay ay u qorsheyeen Mashaariic Cusub.

Roma:- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa sheegtay in ay ansixisay 12 Mashruuc cusub oo lagu bixin doono howlaha Bani aadamninada.
War kasoo baxay Kulan ka dhacay Qasrig Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga ee ku taalla Magaalada Roma (Palazzo della Farnesina in Rome) ayaa lagu ansixiyay mashaariicdaan cusub.
Qiimaha lacageed ee ku baxaya waxaa lagu sheegay in ay dhan tahay 3.5 Milyan oo Yuuro, dhowaanne ay ku dhaqaaqi doonto Waaxda Kaalmada Dowladaha u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga.
Dalalka ay u qorsheeyeen in si gaar ah ugu faaiideystaan waxaa kamid ah:- Libya, Palestine, Iraq, Afghanistan, Somalia, Colombia, Congo, Sudan iyo Jordan.
Mashaariicdaan Xukuumadda Roma ay fulineyso waxa ay tilmaamtay in ay Soo marin Doonto Laanqeyta Cas iyo Hay’adda Qarmada Midoobe u qaabilsan Howlaha Miinooyinka ee (UNMAS).
Waxyaabaha sida gaar ah loogu fulin doono lacagtaan waxa ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaniga ku sheegtay in ay kamid yihiin Hormarinta Deegaanka, ka shaqeynta Adeegyada Caafimaadka, Waxbarashada iyo wax ka qabashada Khatarta Miinooyinka.
Wasaaradda ayaa sheegtay in Deeqahani ay taageeri doonaan dhaqdhaqaaqa cilmi baarista iyo ololayaasha wacyigalinta iyada oo loo marayo heshiisyada caalamiga iyo kan Dowladaha u degsan.
Emmanuelle del Re oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Talyaaniga ayaa sheegtay in ay rajeyneyso in ay ka faaiideystaan dalalka ay u qorsheeyeen Mashaariicda Cusub.
Talyaaniga waxaa dhowaan tagay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo Madaxda dalkaas kala hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

9 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

13 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

13 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

14 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

14 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

15 hours ago