Xiddiga Khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Luka Modirc ayaa si Rasmi ah ugu guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or-ka kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay.
Luka Modric ayaa abaalmarintan ku darsaday abaalmarinaha UEFA iyo FIFA ee xiddiga ugu fiican adduunka kadib qaab ciyaareed heer sare ah oo uu ku soo muuqday xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu helay 753 cod.
Modric ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee aan ahayn Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ee ku guulaysta abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka tan ilaa 2008.
33 Jirkan ayaa abaalmarinta ku mutaystay ku guulaysigii champions League oo uu kula guulaystay Real Madrid iyo xulka qarankiisa Croatia oo uu geeyay finalkii koobkii adduunka.
Modric ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigaha Kylain Mbappe, Antoine Griezmann Iyo Cristiano Ronaldo kuwaas oo u sharaxnaa abaalmarinta
Laacibkaan ayaa sido kale dib boorka kaga jafay taariikh u taalay Ballon d’or taas oo ah in mudo 20 sano kadib ah uu abaagudkaan ku guulestay xiddig khadka dhexe ka ciyaara.
Xiddigii ugu dambeeyay ee khadka dhexe ee ku guulaystay abaalmarinata ayaa ahaa Zinedine Zidane kaas oo abaalmarinta ku guulaystay sanadkii 1998-kii.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…