Soomaalida iyo Booranta Kenya oo heshiis kala saxiixday

Soomaalida iyo Booranta dega Kenya ayaa heshiis nabad ka gaaray dagaal dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku dhexmarayay Gobolka Soomaalida ee ay Kenya Maamusho.

Dagaalka ayaa intiisa badan u badnaa xoolo la kala dhacayay,dhul beereed la isku heystay iyo sohdinta labada dhinac.

Labo Maalmood oo la siinayay Siminaar looga hadlayay nabadda iyo faa’idada ay leedahay ayaa waxaa ugu dambeyn heshiis kala saxiixday 50 Oday dhaqameed oo labada  dhinac ka kala socday.

Ugu yaraan Shan Qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay,halka Boqolaal qoys ay ku barakaceen intii ay socotay colaadda u dhaxeysay labada dhinac.

Waxyaabaha laga heshiiyay waxaa ka mid ah in la isu celiyo xoolaha la kala dhacay, in meelaha la dejinayo dadka qaxootiga ah aan lagu murmin,in colaadda la joojiyo iyo qodobo kale.

Somo Roba, oo ah Oday dhaqameedka u hadlay Booranta ayaa ugu baaqay Soomaalida in ay dhowraan xabad joojinta iyo heshiiska la kala saxiixday isagana dhinaciisa uu si wanaasgan u fulinayo.

Xaamud Sheekh Maxamed oo isna dhinaca Soomaalida hoggaaminayay ayaa sheegay in heshiiska kaddib odayaasha labada dhinac ay yeelan doonaan kulamo joogto ah lana sameynayo guddiyo ka shaqeeya ilaalinta heshiiska.

mas’uuliyiinta Maamullada Soomaalida iyo Booranta ee ku jira Dowladda ayaa ka qeybgalay heshiiskaas,waxaana ay labada dhinac ka codsadeen in heshiiskaas si rasmi ah loo dhaqan geliyo.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

10 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

14 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

15 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

16 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

16 hours ago