Taliye cusub ee qeybta 60-aad oo Baydhabo lagu soo dhaweeyey.

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa maanta laga soo dhaweeyey taliya cusub ee qeybta 60-aad ee C.X.D.S S/guuto; Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan(Tima Cadde), oo badali doona Taliyihii isaga ka horeeyey.

Taliyaha iyo Abaan-duulkiisa waxaa Baydhabo ku soo dhaweey talihii isaga ka horeeyey ee qeyb 60-aad Gen Ibraahim Yarrow iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed.

Soo dhaweynta taliyaha qeybta 60-aad S/guuto Tima Cadde

S/guuto Tima-Cadde ayaa saraakiisa ugu mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyey,waxa uuna sheegey in wixii Faah faahina uu ka sheegidoono xaflada xil wareejinta oo bari ka dhaceysa Magaalada Baydhabo.

Dhawaan ayey aheyd markii taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) uu isku shaandheyn ku sameeyey Taliska C.X.D.S.

Mustaqbal media

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

11 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

13 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

16 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

18 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

19 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

20 hours ago