Ciidamada amaanka Puntland, ayaa goordhow xabsiga dhigay Gudoomiyihii gobolka Sool ee maamulka Puntland Abuukar Cabdi Geelle, xili uu halkaasi u tagay ka qeybqaadashada ololaha loogu jiro kursiga Madaxtinimo.
Ciidamada ayaa Abuukar Cabdi Geelle ka qabtay Bartamaha Garoowe, iyadoo la sheegay iney ula dhaqaqeen mid kamid ah xabsiyadooda ku yaala Caasimada Puntland, Masuulkan, waxa uu todobaadkan ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay gobolka Sool, Sool waxaa isku horfadhiya Ciidamada Puntland iyo Somaliland.
Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in xariga Masuulkan, ay la xirirto qoraal uu ku soo daabacay bartiisa Facebook, taasoo loogu eedeeyay Madaxweyanaha Puntland C/Wali Maxamed Cali (Gaas) inuu sameeyay Musuq Maasuq.
Saraakiisha amniga maamulka Puntland wali kama hadal xariga loo geystay Gudoomiyihii gobolka Sool ee maamulka Puntland, waxaana Garoowe aad looga hadal hayaa xariga Abuukar Cabdi Geelle.
Ninka xabsiga la dhigay, ayaa, Dec 31, 2018 waxa uu Warbaahinta gudaha u sheegay inuu isaga tagay Xilkii uu ka hayay maamulka Puntland, mana soo bandhigin sababta rasmiga ah ee la xiriirta shaqa ka tagistiisa.
Abuukar Cabdi Geelle, ayaa xilka Gudoomiyenimo ee gobolka Sool waxa uu hayay mudo ku siman 6 bil, waxaana la soo magacaabay 11-kii bishii June ee 2018.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…