Dowladda Mareykanka, ayaa sheegatay in duqeyntii u horeysay ee sanadkan diyaaradohooda ka geystaan Somaliya uu ka dhacay meel ku dhow deegaan lagu magacaabo Dheerow Sanle, Deegaankan, waxa uu Muqdisho ka xigaa dhanka Koofur Glabeed, isagoo u jira masaafo dhan 150KM.
War Saxaafadeed goordhow ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Africom, ayaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday 2-dii bishan lagu dilay 10 kamid ah dagaalyahanada Shabaab, Mareykanka waxa uu sheegay inuu wado qiimeyn la xiriirta in dad Shacab ah ay wax ku noqdeen deuqeynta.
Weerarkan dhinaca Cirka ah, ayaa lagu sheegay in ujeedkiisa ahaa sidii looga hortagi lahaa lacago Shabaab ay ka qaadayeen dadka Shacabka ah ee ku sugnaa deegaanka gobolka Baay katirsan ee weerarka ka dhacay.
Sanadii ina dhaaftay ee 2018, Waxaa kordhay duqeymaha dhinaca cirka ee diyaaradaha Mareykanka ka geystaan Somaliya, iyadoo la rumeysanyahay in diyaaradahaasi laga hago gobolka Sh.Hoose oo uu ku yaalo sladhigGa ugu weyn ee Mareykanka.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…