Taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Axmed Maxamed Tareedishe ayaa sheegay in ay hayaan liiska dadka ka dambeeya colaad beeleedka ka taagan Gobolka Hiiraan.
Jen. Tareedishe ayaa qaar ka mid ah Odayaasha dhinacyada dagaallamay kula kulmay Degmada Maxaas,waxaana uu Odayaasha dhaqanka ugu baaqay in ay nabadda ka qeyb qaataan.
Liiska shaqsiyaadka uu hayo ayuu sheegay in uu u gudbinayo dowladda Federaalka ah,kuwaas oo ku eedeysan in ay dano kale uga faa’ideysanayaan Colaadda.
Waxaa uu Odayaasha ka codsaday in shaqsiyaadka kale ee arrintan ka dambeeya ay Odayaasha ku caawiyaan Ciidanka dowladda sidii loo qab qaban lahaa.
Ciidamada Dowladda ee ka soo jeeda Beelaha dagaallamaya ayuu uga digay in ay Hubka dowladda u adeegsadaan dagaalka beelaha.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…