Taliska Ciidamada Xoogga Dalka oo ballanqaad u sameeyay Kooxda Macawuusley.

Taliyaha qaybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Saraakiil Ciidan oo la socoto ayaa tagay Deegaanada Gobolka Shabeelaha Dhexe ay kaga sugan yihiin Kooxda la magac baxday Macawuusley ee la dagaalanta Al-Shabaab.

Deegaanada Taliye Maxamuud Koronto uu tagay waxa ay hoos tagaan Degmada Cadale oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku dagaalamayeen Kooxdaan iyo Al-Shabaab.

Sareeyo Guuto Maxamuud Maxamed Macalin Koronto Taliyaha qaybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee ka howlgala Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa sheegay in ay gacan siinayaan Kooxdaan.

Waxa uu ka dalbaday in ay sii kordhiyaan Dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, maadaama uu sheegay in Xoolahooda iyo Ceel biyoodyadooda ay ka ceshanayaan.

Ciidamada ayuu sheegay in ay la howlgali doonaan, hubka iyo saanadda ay u baahdaanne uu taliska diyaar u yahay in uu siiyo.

Sababta ayuu ku sheegay in ay Aqoon dheer u leeyihiin Deegaanada ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab, sidoo kalena aan jirin Dan ka fogeyneysa in Ciidamada Dowladda ay dhexgalaan.

Sareeyo Guuto Maxamuud Koronto ayaa tilmaamay in la is bari Doono Ciidamada Dowladda ee ka howlgala Deegaanada Hir-Shabeelle iyo Kooxda Macawuusley, taliska Ciidanka Xoogga Dalkane ay ku wargeliyeen in Xuquuq lasiin doono, sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiil katirsan Kooxda macawuusley ee ka dagaalanka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa Mustaqbal Radio u sheegay in si iskood ah ay isku abaabuleen, kadibne ay go’aan ku qaateen in ay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

1 hour ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

5 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

5 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

6 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

6 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

7 hours ago