GUDAHA/wararka

Soomaaliya oo Itoobiya ka dalbatay in ay baaritaan ku sameyso doorkii ciidamadooda ku lahaayeen dagaalkii Doolow

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar  ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa dalka Itoobiya Danjire Mesganu Arega.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay wada shaqeyntooda iyo sidii loo sii wadi lahaa wada hadallada heshiiskii Ankara 11-kii bishaan la gaarey.

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Doolow, iyada oo Wasiir Cali Balcad dalbaday cambaareeyay weerarkasasi, isaga oo sheegay in tillaabadaasi ka hor imaaneyso Madaxbannaanida dalka.

“Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Balcad ayaa muujiyay dareenka cabashada iyo cambaareynta ficillada Ciidanka Itoobiya ee ka dhacay Doolow ee gobolka Gedo. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arega Dhankiisa ayaa ka jawaabay isagoo muujiyay sida ay dowladda Itoobiya diyaar ugu tahay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo dhacdadaas, wuxuuna xaqiijiyay rabitaankooda ah inay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya,si looga hortago dhacdooyin la mid ah mustaqbalka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wada hadalka ayaa la qabtay iyada oo lagu salaynayo Baaqa Ankara ee 11-kii Diseembar 2024, iyo qaab dhismeedka fulinta qodobadiisa.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

7 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

9 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

10 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

14 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

17 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

17 hours ago