GUDAHA/wararka

Soomaaliya & DR Congo oo kawada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi & dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo Haweeneyda lagu magacaabo Thérèse Kayikwamba Wagner waxa ay kawada hadleen xaaladda labada Dal.

Sida lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, kulankaan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray Kor u qaadista iskaashiga dhinacyada kala duwan ku qotoma iyo wax ka qabashada baahiyaha Bulshada labada Dal.

Fiqi & Thérèse oo telefoon kuwada hadlay ayaa dhanka kale ku ballamay in la xoojiyo iskaashiga labada Dowlad iyo labada Shacab si loo saldhigo qodobada muhiimka u ah cilaaqaadkooda sida hadalka loo dhigay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sare u qaadday xiriirka ay la sameysaneyso Dalalka intooda badan ay ku bahoobeen Ururrada Caalamiga ah iyo kuwa Waddamada kooban ay sameystaan si wadashaqeyntoodu isugu soo dhawaato.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

2 mins ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

13 mins ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

12 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

14 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

15 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

19 hours ago