GUDAHA/wararka

Hay’adda Duulista Rayidka oo war ka soo saartay afduub diyaaradeed oo shalay ka dhacay Kismaayo

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegatay in maalinimadii Shalay ay magaalada Kismaayo ka dhacay fal khatar ku ah amniga nidaamka diyaaradadaha badqabkooda; markii Diyaarad ay leedahay Shirkadda Halla Airlines si xoog ah loogu afduubay Kismaayo, iyada oo lagala wareegay qalabkii isgaarsiinta.

“Diyaarad ay leedahay Shirkadda Halla Airlines ayaa si xoog ah looga afduubay magaalada Kismaayo iyada oo lagala wareegay qalabkii isgaarsiinta, taas oo halis galisay amniga diyaaradda iyo rakaabkii saarnaa, sida ay ku xaqiijiyeen warbixinta hordhaca ah oo ay siiyeen Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed maamulka iyo shaqaalaha diyaaradda.” Ayaa lagu yiri, warsaxaafadeedka ka soo baxay Hay’adda Duulista RS.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu tilmaamay in falkii dhacay shalay ay ka dhalatay cabsi ku aadan  in diyaaradihii u safri lahaa Kismaayo ay saaka ku dhiiran waayeen  safaradoodii u qorshaysnaa ee magaalada Kismayo iyo saameyn taban oo ay ku yeelatay Shacabkii halkaas u safrilahaa.

Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

7 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

10 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

11 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

12 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

12 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

12 hours ago