GUDAHA/wararka

Soomaaliya oo dib u heyn ku sameynaysa Manhajka Qaran ee dalka iyo taariikh kooban

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Faarax Shiikh Cabduqaadir, ayaa ku dhowaaqay in dowladda ay qorsheyneyso dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameeyo Manhajka Waxbarashada dalka sannadka soo socda ee 2026.

Wasiirka oo khudbad ka jeedinayay munaasabad rasmi ah ayaa sheegay in Manhajku door ka qaadan karo qaabka iyo tayada ardayda ka soo baxda dugsiyada dalka.

“Sannadka soo socda ee 2026 waxaan dib u eegis ku sameyn doona Manhajka Waxbarashada dalka,” ayuu yiri Wasiir Faarax Shiikh Cabduqaadir.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa tilmaamay in wasaaraddu ay qorsheynayso in la xoojiyo tayada waxbarashada, la kordhiyo xirfadaha ardayda, lana hubiyo in manhajka la jaanqaado heerarka waxbarasho ee caalamiga ah.

Taariikhda Manaahijta Waxbarashada ee Dowladda Soomaaliya hirgalisay

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay manhaj qaran oo ku qoran af-Soomaali ku soo saartay intii u dhaxaysay 1972–1975, markaasi oo ku aadan in yar ka dib markii la qoray Farta Soomaaliga.

Kadib burburkii dowladdii dhexe 1991, waxbarashadu waxay noqotay mid aan mideysneyn oo ururro kala duwan ay maamulaan.

Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sannadkii 2014 bilowday qorshe dib loogu mideynayo Manaahijta Waxbarashada, iyadoo markii ugu horreysay tan iyo burburka la hirgeliyay Manhaj Qaran oo mideysan 2017, kaas oo laga hirgaliyay dhammaan dugsiyada dalka.

Marka kale Soomaaliya ayaa 2026 dib u habeyn ku sameyn doonta Manhajka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

7 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

9 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

10 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

14 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

17 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

17 hours ago