Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan gaarku qaabilay danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Saalax Xasan Keshtaax.
Kulanka ayaa looga wada hadlay arrimo la xiriira maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan dhanka caafimaadka iyo tamarta.
Ra’iisul Wasaare Xamse, ayaa dowladda Masar uga mahadceliyay taageerada shacabka Soomaaliyeed ee xilliyada kala duwanaa.
Danjiraha Masar, Maxamed Saalax, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyey qaabilaadda, wuxuuna sheegay in dowladda Masar ay sii xoojin doonto heshiisyadii iskaashi ee horey loo galay ee diiradda saarayay dhinacyada muhiimka u ah danaha labada dal.
Ra’iisul wasaare Xamse ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeelanayay xubno ka tirsan beesha caalamka, isagoo kala hadlayay xaaladda binu aadanimo ee Soomaaliya.
Mustaqbal
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…