GUDAHA/wararka

Australia waxaa maanta ka dhaqangalay sharci baraha Bulshada ka reebaya Carruurta ka yar 16ka sano

Dalka Australia waxaa maanta ka dhaqangalay sharci Isticmaalka Baraha Bulshada ka reebaya Carruurta da’doodu ka yar tahay 16ka sano, waxaana ujeedka lagu sheegay in lagu xakamaynayo sumcaddooda iyo mustaqbalkooda si aanay waxbarashada uga mashquulin.

Australia waxa ay ku goodisay in qofkii jebiya xeerkaan uu mutaysan doonno ciqaab culus, waxa ay intaas ku dartay in waalidiinta la faray in ay carruurtooda ka ilaaliyaan soo galista baraha Bulshada sida hadalka loo dhigay.

Dalal badan ayaa qaatay go’aamo culus oo lagu xakamaynayo adeegsiga Baraha Bulshada ee dhinaca Carruurta iyo goobaha Waxbarashada, waxaa sababta lagu sheegay in ay ka dhalatay hoos u dhac dhinaca fahamka ah sida daraasado lasoo bandhigay lagu xusay.

Hay’adda Maamusho Baraha Bulshada ee Australia ayaa lagu wargeliyay in ay si dhow uga warqabto adeegsiga Carruurta ee Barahaan maadaama la hakinayo koontooyin badan oo ay lahaayeen carruurtaas da’doodu ka yar tahay 16ka sano.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

2 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

3 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

4 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

4 hours ago

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

18 hours ago

Trump oo sheegay inuu joojiyay weerar uu ku qaadi lahaa Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…

19 hours ago