GUDAHA/wararka

Donald Trump oo si bareer ah u weeraray siyaasadda Yurub

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo muddooyinkii dambe caadaystay aflagaadaynta Mas’uuliyiinta iyo Dalalka kala duwan ee Caalamka ayaa maanta usha la dul istaagay Hoggaamiyaha Yurub isaga oo ku dhaliilayay in ay fashilmeen.

Donald Trump ayaa sheegay in madaxda Yurub yihiin kuwo daciif ah oo xitaa dalalkooda aanay ka xakamayn Karin dadka soogalootiga ah, waxaana uu eedahaan jeediyay isaga oo Waraysi siiyay Website-ka Polico.

Waxaa la rumaysan yahay in eedahaan ay ku dhasheen kaddib markii Dalalka Yurub ay kahor yimaadeen qorshihii uu ugu magac-daray nabadda Ukraine oo uu doonayay in dhul kamid ah Dalkaas la siiyo Ruushka balse Waddamada qaar ay diideen.

“Yurub waa kuwo daciif ah oo aan xakamayn Karin soogalootiga, Siyaasadaha Yurub ee Muhaajiriinta waa musiibo, waxa ay ka dhigaysaa meel quruntay, haddii ay kusii socdaan arrintaan aragtidayda ma ahaan doonnaan kuwa sii jiri doonna” Ayuu yiri, MW Maraykanka Donald Trump.

Waxaa jawaab kulul siiyay mas’uuliyiin katirsan Midowga Yurub, waxaa ka xusi karnaa Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz waxa uu si gaar ugu sheegay Donald Trump in aanay Yurub uga baahnayn garab istaag iskuna filan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa dhankiisa wax aan meel laga soo qaadi Karin ku tilmaamin eedaha Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Yurub u jeediyay, waxaana uu awood buuxda siiyay siyaasadda cusub ee lagu xakamaynayo soogalootiga.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

31 mins ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

3 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

3 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

5 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

5 hours ago

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

19 hours ago