GUDAHA/wararka

Ra’iisul wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee hay’adda Caalamiga ah ee Samafalka David Miliband, oo booqasho shaqo ku yimid dalka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay lagu soo hadal qaaday arrimo la xiriira gurmadka abaaraha ka jira qeybo kamid ah dalka oo la sheegay in ay saameysay in badan 4.4 Soomaali ah.

Ra’iisul Wasaaraha muujiyay welwelkiisa la xiriira xaaladda Abaaraha ka jira dalka, isagoo mas’uuliyiinta IRC ka codsaday in ay qeyb ka noqdaan gurmadka dadka wajahaya dhibaatada.

Agaasime David Miliband ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya dadaallada ay waddo, isagoo tilmaamay in ay qeyb ka qaadan doonaan gurmadka abaaraha, isla markaasna ay la wadaagi doonaan Xubnaha kale ee Beesha Caalamka.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo looga hadlay howlaha isku duwista gargaarka binu aadanimo la yeelanayay saaxiibada Soomaaliya.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

11 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

15 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

16 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

16 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

16 hours ago