GUDAHA/wararka

Ciidanka Danab oo howlagallo ka fuliyay gobolka Shabeellada Hoose

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay Ciidanka Kumaandooska Danab ka fuliyeen tuulooyin u dhaxeeya deegaannada Towfiiq iyo Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu qabtay xubno ka tirsan AS iyo hub ay wateen.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in howlgalka intuu socday ay ciidamada gacanta ku dhigeen sarkaal lagu magacaabo Sakariye oo uu dhalay mid kamid ah hoggaamiyeyaasha AS.

Dhinaca kale, ciidamada Danab ayaa gacanta ku soo dhigay mooto ay AS u adeegsan jireen gaadiid ahaan, hub iyo agab kale.

Ugu dambeyn, bayaanka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidanka ay sii wadi doonaan howlgallada ay amniga ku xaqiijinayaan ee ay ka wadaan gobollada dalka.

Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday howlgalka Duufaanta Aamusan oo ay qeyb howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Dowladda

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

5 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

8 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

9 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

10 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

10 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

10 hours ago