Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa qormo kooban uu sameeyay waxa uu kaga hadlay xaaladda dalka ee Cudurka Coronavirus, Dadaalada aqoonta iyo qalabka caafimaadka.
Yuusuf Garaad waxa uu soo jeediyay tallooyin uu u arko in ay u wanaagsan yihiin xaaladda kahor tagga Cudurka Coronavirus oo uu soo jeediyay.
“Soomaaliya haddii ay ka badbaadeyso Coronavirus, kuma badbaadi karto aqoonta iyo qalabka caafimaad ee aan haysanno iyo keliya deeq iyo daawo dibadda laga keenay, Waxay ku badbaadi doontaa ka hortag iyo wacyi gelin” ayuu yiri Yuusuf Garaad.
Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Taas loogama maarmo Saxaafadda oo ay dhakhaatiirteedu yihiin suxufiyiinta, Lama joogo xilli Suxufiyiinta la colaadiyo”.
Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in xiligaan la joogo aan looga maarmin soo dhaweynta iyo u xog-warramidda Suxufiyiinta oo farriinta ugu badan shacabka usii gudbiya.
“Xilligan oo kale waa marka ay ugu muhiimad badan yihiin. Waa xilligii la soo dhoweyn lahaa, loo warrami lahaa, la dhiirri gelin lahaa, haddii ay gefaanna la tusaaleyn lahaa. Waa xilligii khibradda Suxufiyiinta iyo awoodda Warbaahinta sida ay yihiin looga faa’iideysan lahaa oo loo kaashan lahaa samata-bixinta bulshaweynta oo iyaga ku xiran” ayuu kusoo gaba-gabeeyay qoraalkiisa Yuusuf Garaad Cumar.
Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa 24-kii saac kasta soo gudbisa macluumaad ku saabsan xaaladda cudurka Coronavirus sida dadka cusub ee uu haleelo, kuwa dhinta iyo shaqsiyaadka ka boksada ee horay u qaaday Xannuunka.
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…