GUDAHA/wararka

Hay’adda Cunnada Adduunka WFP oo ku dhawaaqday 10-dal oo wajahaya Macluul iyo dhibaato dhaqaale.

David Beasley, Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP waxa uu sheegay in dhibaatooyinka laga dhaxlay Cudurka Coronavirus ay kamid tahay khatar la xiriirta macluul ka dhacda dalalka uu gaaray Xannuunka.

Waxa uu soo jeediyay in laga fogaado digniinada halista ah ee u muuqanaya, isaga oo dalbaday in si wadajir ah caalamka ay iskaashi ka sameeyaan arrintaan oo u baahan kahor tag balse aan la dooneyn ka dabatag sida uu hadalka u dhigay.

Si gaar ah waxa uu dul istaagay xaaladda 10 dal oo aan wanaagsaneen marka la eego heerka ay gaarsiisan yihiin, dhibaatooyinka dhaqaale iyo isbadalka Cimilada ay wajahayaan.

Waddamadaas ayaa kala ah Yemen, Koongada Dimuqraadiga (DRC), Afghanistan, Venezuela, Ethiopia, Koofurta Suudaan, Jamhuuriyadda Suudaan, Suuriya, Nigeria iyo Haiti.

Dadka baahan ee kunool dalalkaan waxa ay Hay’adda WFP ku sheegtay Warbixinteeda in ay gaarayaan 135 million ilaa in ka badan 250 million.

Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Koofurta Suudaan in dadkooda sanadkii tagay 61% ay wajahayeen dhibaato cunno sida ku cad warbixinta loosoo gudbiyay.

WFP ayaa sheegtay in xaaladda xannibaadda ah ee ka jirta Bariga Afrika iyo Koofurta Aasiya in ay sabab u noqon karo soo kabashada dhaqaalaha dalalka dhaca, maadaama iyaga oo kolkii hore liitay ay qaateen tallaabo lagu xakameynayo faafidda Cudurka Coronavirus.

Beasley waxa uu Qaramada Midoobay la wadaagay Muuqaal muujinaya dhibaatada si wax looga qabto xaaladdaan oo uu ku tilmaamay in ay kasii daran tahay Covid-19.

“Waa in muhiimadda lasiiyaa wada shaqeynta iyo samatabixinta dadka dhibaatooyinka kala duwan ku wajahan, waa in aynu kahor tagnaa waxyaabaha aas-aaska u ah howlaha bani aadamnimo, xaqiiqdii Macluushu waxa ay ka daran tahay Covid-19 waayo dadku waxa uu weynayaa Cunno oo dhibaato ku ah” ayuu yiri Madaxa Hay’adda WFP.

“Bilo kooban kadib, waa in aynu ujeesanaa xaaladaha xiga Coronavirus, xaqiiqdii waxa aan aragnaa waa Macluul iyo dhibaatooyin cunno la’aan ah, waa halis kale oo inteeda la eg haddii aan gurmad deg deg ah loo helin” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay David Beasley oo ah madaxa hay’adda cunnada adduunka (WFP).

Isha: BBC /  Mustaqbal Media

MM Editor

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

2 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

2 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

2 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

14 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

16 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

17 hours ago