Somaliya oo ka qeybgashay shir looga hadlayay Daacish oo ka dhacay Mareykanka

Wakiillo ka socday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Magaalada Washignton ee Dalka Mareykanka uga qeybgalay shir halmaalin socday oo looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa ururka Daacish.

C/Qaadir Axmed Kheyr oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya shirkaasna ku matalayay dowladda Federaalka ah ayaa sheegay in laga hadlay sidii wax looga qaban lahaa dhameystirka dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Mareykanka ayaa shirka ku marti qaaday 79 dal oo la dagaallama Ururka Daacish,waxaana ka mid ah Soomaaliya.

Shirka ayaa la isla soo qaaday in laga hortago in Daacish ay ku fiddo dalalka Afghanistan,Soomaaliya,Liibiya,Yemen iyo kuwo kale maaddaama Dalalka Ciraaq iyo Syria looga adkaaday.

Wasiir ku xigeenka waxaa uu  sheegay in Wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka uu qaabilay wakiillada caalamka,waxaana shirka isla shalayba soo xiray Madaxweyne Trump.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

6 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

8 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

9 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

13 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

16 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

16 hours ago