Adis ababa: Cabdi Maxamuud Cumar oo mar kale maxkamad ka soo muuqday

Maxkamadda darajada 4aad ee Federaalka dalka Itoobiya waxaa maanta ka soo hormuuqday Cabdi Maxamuud Cumar oo ah Madaxweynihii hore ee dowlad Degaanka Soomaalida.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta Maxkamadda ka hor sheegay in dhamaan eedaha loo jeediyay ay yihiin kuwo been ah oo la abaabulay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dad dano gaar ah leh ay soo ururiyeen eedaha tirada badan ee ay maxkamadda ku soo oogtay.

Qareennada Difaacaya Cabdi ayaa cabasho u gudbiyay Maxkamadda waxaana ay sheegeen in eedeeyayaasha aysan heysan caddeyn ku filan kiiskooda

Dacwadda maanta ayaa dib loo dhigay mar kale ilaa 13ka Bishan Februay,waxaana ay Maxkmadda dalbadatay in dacwad oogayaasha ay soo dhameystiraan marqaatiyada iyo caddeymaha kale ee loo hayo Cabdi Maxmauud Cumar.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa 27ka Bishan u qabatay in la hor keeno xubnaha kale ee la xirnaa Cabdi Maxamuud Cumar,maaddaama maanta uu kaligiis ka soo muuqday.

Xubnaha kale ee xiran waxaa ka mid ah; C/Risaaq Sahane Cilmi, madaxii hore ee guddiga qurbe joogta, Raxmo Maxamed Haybe oo ahayd madaxii Waaxda Haweenka iyo Carruurta iyo xubno kale.

Dhinaca kale dacwad oogayaasha ayaa Maxkamadda ka codsaday in ay waqti fiican u siiso sidii ay u soo xiri lahaayeen dadka gacanta dowladda ka maqan ee eedeysanayaasha ah kuwaas oo dalka ka baxsaday.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

5 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

7 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

8 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

12 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

15 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

15 hours ago