Guddiga dhowrista xuquuqda lahaanshaha ee dalka Kenya ayaa sheegay in sharikad laga leeyahay dalka Ingiriiska ay dowladda ku heysato muusigga astaanta qaranka ee Kenya.
Xeerarka xuquuq lahaanshaha ayaa dhigaya in milkiyadda shey kasta ay dhaceyso 50 sano kaddib marka qof ama hay’ad qaadato.
Muusigga qaranka Kenya ayaa dhacday sanadkii 2013kii dibna looma cusbooneysiin,waxaana hadda ku heysta sharikad dhinaca musigga ah oo lagu magacaabo Dewolfe Music.
Guddigu waxaa ay sheegeen in inkasta oo dowladda ay ka daahday dib u cusbooneysiinta Muusigga astaanta Qaranka haddana ay waajib tahay in la difaaco maaddaama ay tahay hanta qaran.
Arrintan ayaa dhalatay markii qof Kenyaan ah uu Yuotube-ka geliyay muuqaal wata muusigga qaranka Kenya,waxaana Youtube dacwad u gudbisay sharikadda laga leeyahay Ingiriiska,taas ayaana sababtay doodda la xiriirta xuquuqda lahaanshaha muusigga qaranka Kenya.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…