Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xaaji ayaa sheegay in Garsoorka dalka uusan heysan miisaaniyad ku filan sida wasaaradaha kale.
Isaga oo ka qeybgalayay furitaanka Garsoorka Soomaaliya ayuu Wasiir Xasan Sheegay in Garsoorayaasha aysan heysan miisaaniyad la mid ah kuwa ay heystaan hay’adaha kale ee dowladda.
Waxaa uu intaas ku daray in amniga Garsoorayaasha dowladda u shaqeeya uusan sugneyn, sidoo kalena ay u dheertahay miisaaniyad la’aan.
Shirka Garsoorka ee Soomaaliya oo shalay ka furmay Muqdisho ayaa waxaa maanta soo xiraya Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Shirka Garsoorka Soomaaliya ayaa waxaa markii ugu dambeysay ee la qabtay ay ahayd sanadkii 1969kii markaas oo uu Taliskii Milatariga la wareegay talada dalka.
Intii uu taliska Milatariga jiray ilaa wixii ka dambeeyay ma jirin shir sanadeed looga hadlayo garsoorka dalka oo lagu qabtay dalka sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…