Somaliland oo Xeebaheeda ka joojisay Maraakiibta shisheeye

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maamulka Somaliland Xasan Maxamed Cali  ayaa sheegay in ay go’aan ka qaateen Maraakiibta ka kalluumeysta xeebaha Maamulkaasi.

Sababta waxa uu ku sheegay in aysan dhaqaale fiican ka qaadi jirin, balse ay ka jilaaban jireen Kalluun ku fadhiga qiimo ahaan Malaayiin Doolar.

Sidaas awgeed aan isku dhigmin lacagta halka jeer laga qaado oo aad u yar, iyo tan ay kasii macaashayaan Kalluunka ay qabsadaan.

Illaa Toban Kun oo Doolar ($10,000) ayuu tilmaamay in hal jeer laga qaadi jiray Maraakiibtaan, isla markaana aan laga hubin jirin Kalluunka ay qabsadaan.

Waa uu sii hadlay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maamulka Somaliland Xasan Maxamed Cali, waxa uuna sheegay in ay jiraan Cabasho ugu timid Kalluumeysatada Somaliland oo ah in Kalluunka uu ka guuray Xeebaha, shidaan badane ay ku bixiyaan soo jillaabashadiisa.

Wasiirka ayaa qalabka Maraakiibta shisheeye ee ay ruqsadaha u siiyeen Kalluumeysiga Xeebaha Somaliland ku tilmaamay kuwo jajabinaya Ukumaha iyo goobaha uu galo Kalluunka.

Maamulka Somaliland oo sheegay in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale inkasta oo uusan helin aqoonsi, waxa uu heshiisyo dhowr ah la galay shirkado iyo hay’ado kala duwan, waana tan keentay in lagu dhaliilo ka fiirsi la’aanta kahor inta aysan Saxiixin Heshiisyada.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

5 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

7 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

8 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

12 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

15 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

15 hours ago