Dowladda Soomaaliya ayaa Caawa Jawaab ka bixisay tallaabadii ay xalay Kenya ay ugu yeertay safiirkeeda Soomaaliya, halka ay ku ceyrisay Danjiraha Soomaaliya ee Kenya.
War kasoo baxay Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in khariiradaha ay sheegtay Kenya ay muujinayso badda Soomaaliya ayna waafaqsan tahay mowqifka weligeed ee dawladda Soomaaliya iyo dawcadda ku saabsan xadka badda ee hortaalla maxkamadammada caalamiga ah ee Adudunka ee Hague.
Waxa ay sheegtay Soomaaliya in mowqiifkaasi uu ka turjumanayo mas’uuliyadda saaran Dowladda Soomaaliya ee ay ku ilaalinayso midnimada iyo madaxbannaaniddeeda siyaaso iyo dhuleed.
Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay aad uga xuntahay waxa ay Kenya ku sheegtay in ay Soomaaliya bixinayso xidhmooyin bad ay lahaan karto Kenya.
Waxay sheegtay in aysan qandaraas ku bixin xidhmooyin, qorshahana ugu jirin in ay ku bixiso wax xidhmooyin ah oo ku yaalla Deegaanka lagu muransan yahay ilaa inta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay go’aan ka gaareyso.
Waxa ay intaa ku dartay Dowladda Soomaaliya in ay u ballanqaadayso Kenya in aysan ku kicin falal dhinac keliya ah oo ku saabsan deegaanka lagu muransan yahay ilaa maxkamaddu go’aan ka gaadho.
Soomaaliya waxa ay sheegtay in markii maxkamaddu go’aankaas gaarto in ay ixtiraami doonto go’aanka maxkamadda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay aad uga xuntahay go’aanka ay Kenya ku amartay safiirkii Soomaaliya Kenya in uu ka baxo Kenya iyada oo aan wax la tashi ah la samaynin Dowladda Soomaaliya.
Halkaan ka Aqriso:-
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…