Shabaab oo lagu eedeeyay iney qarxiyeen ceel ku yaala Ceel Muluq, Sh.Dhexe.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal gelinkii danbe ee Khamiistii ka dhacay deegaano hoostaga Degmada cadale ee gobolka Sh.Dhexe.

Dagaalka, waxa uu u dhexeeyay Maleeshiyaad kala taanacsan Macwiisleyda iyo Shabaab, iyadoo uu ka dhashay kahsaare isugu jira dhimahso iyo dhaawac, sidoo kale waxaa jira khasaare soo gaaray Shacabka lau dul dagaalamay.

Dadka deegaanka, ayaa inoo xaqiiiyay in dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dhowr jeer la isku soo nonoqday.

Axmed Dhageey Xuurshow oo kamid ah dadka hogaaminaya Macwiisleyda, ayaa Mustaqbal u sheegay in dagaaladii u danbeeyay ay Shabaab uga dileen 8 dagaalame, dhankooda ayuu sheegay in kahsaaraha soo gaaray uu koobanyahay oo laga dilay laba askari.

Shabaab oo qabsaday deegaanka Ceel Muluq, ayaa dab qabadsiiyay guryo ku yaala deeganaka, iyagoo qarxiyay Ceelkii kaliya e eku yiilay deegaanka.

Halka ugu dhow ee dadka deegaanka ay haatan biyo ka heli karaan, ayaa ah meel Ceel Muluq u jirta 40KM, taasoo ciriiri gelineysa Nolosha dadka.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Axmed Dhageey:

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

9 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

11 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

12 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

16 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

19 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

19 hours ago