Waxaa Saaka degan xaalada deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen Maleeshiyaad qaab Qabiil u abaabulan.
Saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga dalka oo shalay gaaray deegaanka, ayaa ku guuleystay iney joojiyaan dagaalka, iyagoo labada dhinac lakala dhex dhigay Milatari katirsan qeybta 21-aad ee Xoogga dalka.
Ciidamada dagaalka ku baxay, ayaa ka kala yimid magaalooyinka Dhuusa-Mareeb iyo Cadaado, iyadoo amarka tagistooda la sheegay inuu biixyay Taliyaha Milatariga Somaliya Janaraal Daahir Aadan Cilmi.
Inkastoo wali aan lakala qaadin dhinacyadii dagaalamay, ayaa hadana xaalada Saaka waxa ay tahay mid dagan, mana jirto wax rasaas ah oo la maqlayo, waxaana durba bilowday dib u soo laabasho ay sameynayaan dadkii dagaalka ka cararay.
Dagaaladii u danbeeyay ee Kaxandhaale, ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhowaad 20 Ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamay, iyadoo Isbitaalka weyn ee Cadaado la geeyay dhaawacyada.
Dhinacyada ku dagaalamay deegaanka Kaxandhaale ee dhaca xadka Somaliya iyo Itoobiya, ayaa waxa uu salka ku hayaa dagaalkooda dhul daaqsin, iyadoo dhowr jeer oo horwna sidan oo kale ugu dagaalameen.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…