WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Sawiro: Milatariga Myanmar oo la wareegay taladda dalka xabsigana dhigay hoggaamiyihii wadanka!

Milatariga Myanmar ayaa xukunka dalkaasi la wareegay Isniintii afgambi ka dhan ah dowladda sida dimoqraadiga ah loo soo doortay ee Aung San Suu Kyi oo ah haweeneyda ku guuleysatay abaalmarinta Nobel, oo lala xiray hoggaamiyeyaal kale oo ka tirsan xisbigeeda National League for Democracy (NLD) subaxnimadii hore ee saakay.

Ciidanka ayaa sheegay in ay sameeyeen qabqabashada iyagoo ka jawaabaya “musuqmaasuq doorashada”, iyagoo xukunka ku wareejiyay taliyaha milatariga Min Aung Hlaing isla markaana ku soo rogay xaalad deg deg ah hal sano, sida lagu sheegay bayaan lagu faafiyay telefishin ay leeyihiin militariga.

TV-ga qaranka ee Myanmar ayaa sheegay isniintii in militariga ay la wareegayeen xukunka wadanka muddo hal sano ah, iyada oo in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee wadanka oo ay ku jirto Suu Kyi la xiray.
Xisbiga Aung San Suu Kyi ayaa daabacay qoraalo ay ku sheegeen in ay sugayeen afgembi, iyagoo dadka ku booriyay in ay ka dhiidhiyaan qabsashada milateriga.

Inqilaabku wuxuu meesha ka saarayaa dadaaladii sanadihii la soo dhaafay ay wadeen reer galbeedka ee lagu doonayay in dimuqraadiyad looga hirgaliyo Myanmar, oo horay loo oran jiray Burma, halkaas oo Shiinaha deriska la ah oo ay sidoo kale saameyn weyn ku leedahay.

Jeneraalada ayaa bilaabay in ay talada wadanka la wareegaan saacado ka hor  iyada oo Baarlamaanku uu yeella lahaa fadhigiisii ugu horeeyay tan iyo markii NLD uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashadii 8-dii Nofeembar 2020 oo loo arkaayay afti loo qaadayo xukunka dimoqoraadiyada curdinka ah ee Aung San Suu Kyi.

Xiriirkii taleefanka iyo internetka ee caasimada Naypyidaw iyo xarunta ganacsiga weyn ee Yangon ayaa hakad galay iyada oo TV-ga dowlada hawada ka baxay kadib markii hogaamiyaasha NLD la xiray.

Qaar ka mid ah taageerayaasha militariga taageersan ayaa u dabaaldegay afgembiga, iyaga oo ku dhex maraya Yangon gawaarida xamuulka qaada sidoo kale ruxaya calanka waddanka.

Dadku waxa ay ka gudbeen waddo u dhow Sule Pagoda Isniintii magaalada Yangon, Myanmar, ka dib markii inqilaab la bilaabay.
Askar ayaa la geeyay wado ku taal caasimada Naypyidaw. Ciidanka ayaa sheegay in xubnaha sarsare ee NLD, oo ay kujirto hogaamiyaha Aung San Suu Kyi, loo xiray khilaaf ka dhashay doorashadii dhacday Nofeembar 2020.
Calanka Buddhist iyo Calanka Milatariga waxaa lulaya taageerayaasha ciidamada, oo ay kujiraan suufiyada Buddhist-ka, iyagoo saaran gaari Yangon ah.

Dad ayaa saf saf ugu jira bannaanka hore ee laanta bangiga ee Yangon Isniintii kadib markii lagu dhawaaqay inqilaabka.

Askartu waxa ay xireen wadada aada dhanka Baarlamanka ee caasimada Naypyidaw.

Askari ayaa waardiye ka ah waddo xiran oo loo maro baarlamanka magaalada Naypyidaw kadib markii militariga ay ku xireen hogaamiyaha dhabta ah ee wadanka Aung San Suu Kyi iyo madaxweynaheeda inqilaab.

Taageerayaasha militariga Myanmar ayaa isugu soo ururay agagaaraha gawaarida waaweyn ee lagu qurxiyo calanka militariga, calanka diinta ee Buddhist, iyo calanka qaranka ee Yangon .

Dhaqdhaqaaqayaashu waxay hayaan sawirka Aung San Suu Kyi intii lagu jiray mudaharaad ka dhacay banaanka dhismaha Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Tokyo kadib markii militariga Myanmar ay xukunka kula wareegeen afgembi aan dhiig ku daadan.

Dibadbaxayaasha reer Myanmar ee degan Japan ayaa isu soo bax ka dhan ah militariga Myanmar.

MM Staff

Recent Posts

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo loo soo xiray Tababar

Xilli Dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka si ay…

1 hour ago

MW Xasan Sheekh oo Ballanqaad Waxbarasho u sameeyay 10ka Arday ee ugu sarraysa Imtixaanka Dowladdu qaadday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la kulmay Ardayda ugu sarreysa imtixaanka…

4 hours ago

Maxkamadda sare ee Dalka oo baabi’isay Doorashadii ka dhacday Galmudug

Maxkamadda sare ee Dalka ayaa baabi’isay natiijada Doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug, iyada oo amartay…

6 hours ago

Aadan Madoobe oo amray dagaal looga hortagayo AS & Malaashiyaadka Laftagareen

Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo soo gabagabeeyay kulamo uu…

6 hours ago

RW Xamsa “Waxaan diidnay in aan Dad dibadda ka keensano oo Dowladnimadeeda ka shaqeeyaan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diiday in…

8 hours ago

Kenya oo hoos u dhigaysa qiimaha Gallayda & Bacriminta Beeraha

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay in Dowladdiisa ay taagaarayso beeralayda gaar ahaan kuwa soosaara…

9 hours ago