WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Al Shabaab oo sheegtay sababta ay u beegsatay AUN Janaraal Galaal!

Al Shabaab ayaa sheegtay in bartilmaameedka 1aad ee weerarka lagu qaaday Huteel Afrik uu ahaa AUN Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa dadkii shaley ku dhintay weerarkaas.

Waxa Ay sheegeen in janaraalka ay u heysteen weerarro horey Al Shabaab loogu qaaday oo uu kamid ahaa duqeyntii lagu dilay Aadan Xaashi Ceyrow oo ahaa ninkii aasaasay Al Shabaab isla markaana ay ku raadjoogeen muddo 13 sano ah sida ay hadalka u dhigeen.

1-dii bishii May ee sanadkii 2008- dii ayaa Ceyrow uu Mareykanka ku dilay duqeyn laga fuliyay Dhuusamareeb.

2-waxa ay sheegeen in uu soo abaabulay ciidankii Ahlu Sunna ee Al Shabaab kula dagaallamay gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii hotelka Afrik ay ku dileen 23 xubnood, dhaawucuna uu gaarayo 40 kale. Inkastoo wasiirka Warfaafinta Soomaaliya uu sheegay in weerarka ay ku dhinteen 5 ruux oo ay ku jiraan wiil iyo gabar aroos ahaa.

Dhanka kale Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aden oo madax ka ah hay’adda gawaarida gurmadka degdeg ah ee Aamin Ambalaas oo la hadlay BBC ayaa sheegay in 11 mayd ah ka qaadeen goobta uu weerarku ka dhacay ee ah Hotel Afrik.

Sidoo kale Dr Cabdiqaadir waxa uu sheegay in 11 kale oo dhaawac ah ay u qaadeen isbitaallada magaalada Muqdisho.

MM Staff

Recent Posts

Dowladda Soomaaliya oo fasaxday dhammaan shaqaalaha dowliga iyo kuwa hay’adaha kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in maalinta berrito…

28 mins ago

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo loo soo xiray Tababar

Xilli Dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka si ay…

2 hours ago

MW Xasan Sheekh oo Ballanqaad Waxbarasho u sameeyay 10ka Arday ee ugu sarraysa Imtixaanka Dowladdu qaadday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la kulmay Ardayda ugu sarreysa imtixaanka…

6 hours ago

Maxkamadda sare ee Dalka oo baabi’isay Doorashadii ka dhacday Galmudug

Maxkamadda sare ee Dalka ayaa baabi’isay natiijada Doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug, iyada oo amartay…

7 hours ago

Aadan Madoobe oo amray dagaal looga hortagayo AS & Malaashiyaadka Laftagareen

Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo soo gabagabeeyay kulamo uu…

8 hours ago

RW Xamsa “Waxaan diidnay in aan Dad dibadda ka keensano oo Dowladnimadeeda ka shaqeeyaan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diiday in…

9 hours ago