Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo waxa ay sheegayaan in xalay degmadaas lagu dilay Saddex Gudoomiye Xaafadeed, waxaana lagu dhex dilay Bartamaha Degmada gaar ahaan Xaafadda Baay.
Saraakiil ku sugan Degmada Baardheere waxa ay Mustaqbal u sheegeen in Saddexda Gudoomiye lagala soo baxay Xaafadahooda, lana gowracay sida ay hadalka u dhigeen.
Ilo wareedyo kale oo ku sugan Baardheere waxa ay sheegeen in dilka kadib ay maqleen rasaas dhinac kala duwan loo riday, inkasta oo aysan xaqiijin waxa ay ahayd, maadaama xili habeen ahayd.
Mustaqbal waxa ay heshay Magacyada labo kamid ah Saddexda Gudoomiye Xaafadeed ee lagu dilay Degmada Baardheere iyo Xaafadaha ay u qaabilsanayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Khaliif Cabdi Dacar waxa uu ahaa Gudoomiyaha Xaadda 1-aad, iyo Nin kale oo magaciisa nalagu soo koobay Jibriil oo ahaa Gudoomiyaha Xaafadda 2-aad, Sidoo kale Mustaqbal ma helin Magaca ruuxa saddexaad oo isna Gudoomiye u ahaa Xaafadda 3-aad.
Ciidamada ayaa sameeyay baaritaanno ay ku raadianayan Shaqsiyaadkii ka dambeeyay dilka labada Gudoomiye Xaafadeed waxa ay ka wadaan qaybo katirsan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Sidoo kale, saraakiil nala hadashay oo ka gaabsaday in Magacooda iyo codkooda aynu adeegsano waxa ay inoo sheegeen in Ciidamada Dowladda ay howgal u aadeen Deegaanka lagu magacaabo Shanqolow oo hoostaga Baardheere kuna sugan yihiin Al-Shabaab.
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in maalinta berrito…
Xilli Dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka si ay…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la kulmay Ardayda ugu sarreysa imtixaanka…
Maxkamadda sare ee Dalka ayaa baabi’isay natiijada Doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug, iyada oo amartay…
Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo soo gabagabeeyay kulamo uu…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diiday in…